Header Ads

ads header

Liverpool Iyo Chelsea Oo La Siiyey Fursad Ay Kula Saxeexdaan Xiddig Laf-dhabar U Ah Juventus


 

Kooxaha horyaalka Premier League ee Liverpool iyo Chelsea ayaa ka mid noqday naadiyo badan oo reer Yurub ah oo doonaya inay la saxeexdaan xiddiga khadka dhexe uga ciyaara  Juventus iyo xulka Faransiiska ee Adrien Rabiot oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Juventus oo waqtigan ku jirta qalalaase dhaqaale isla markaana shaqada ay ka tageen dhamaan maamulkii oo uu ku jiro madaxweynihii naadiga ayaa waxa la sheegay inay iibin doonto dersin ciyaartoydeeda waaweyn ah oo uu ku jiro Adrien Rabiot bisha January ee foodda inagu soo haysa.

Sababta ciiyaartoyda waaweyn ay iskaga dirayso ayaa lagu sheegay inay kooxdu ku jirto khasaare weyn oo maaliyadeed, isla  markaana aanay awoodi karin inay bixiso mushaharooyinkooda taas darteedna ay iibin doonto laacibiinteeda lacagta fiian u goynaya.

Rabiot oo isku diyaarinaya finalka Koobka Adduunka ee xulkiisu uu Axadda la ciyaarayo Argentina, isla markaana kasoo kabanaya caabuqa Geela oo ku dhacay, ayaa waxa tartanka loogu jiro saxeexiisa kusoo biiray Chelsea iyo Liverpool, iyadoo horena ay kooxaha reer London ee Arsenal iyo Tottenham xidhiidh joogto ah ula lahaayeen wakiillada laacibakn.

Kaddib finalka Koobka Adduunka ee berri ayuu Rabiot kala dooran doonaa dalabyada  laga soo gudbinayo oo sidoo kalena uu ku jiro mid ka yimid Barcelona oo si weyn u doonaysa, iyaga oo u arka inuu noqon karo beddelka Sergio Busquets oo dhamaadka xilli ciyaareedkan xor u noqon karaya.

Rabiot oo toddoba sannadood usoo ciyaaray Paris Saint-Germain ayaa Juventus ku biiray sannadkii 2019, waxaana uu u saftay 145 ciyaarood oo 105 ka  mid ah ay yihiin horyaalka Serie A.

Saddexdii sannadood iyo badhkii uu joogay kooxda reer Turin, waxa uu Adrien Rabiot kula guuleystay horyaalka Serie A, CoppaItalia iyo Italian Supercup.

No comments

Powered by Blogger.