Header Ads

ads header

Bundesliga across Middle East & North Africa in a Three-Year Deal



Wariyaha Ingariiska u dhashay Richard Keys ee u shaqeeya BeIN Sport ayaa ku eedeeyay in Pep Guardiola uu yahay labo wajiile ka dib markii tababaraha Manchester City uu warbaahinta ka sheegay sida uu uga careysan yahay xiddiga Ingariiska Kalvin Phillips oo Koobka Adduunka soo laabtay isagoo cayilan ama naaxay.

Xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska ayaa laga saaray kooxdiisa Man City ee ka badisay Liverpool wareegii 16ka ee Carabao Cup habeenkii Khamiista.

Phillips oo dhaawacyo darteed dheelay kaliya 94 daqiiqo oo kubad ah xilli ciyaareedkan ayaa loo sheegay inuusan tababar la qaadan karin kooxda markii xiddigaha City ee Ingariiska iyo Portugal ay ka soo laabteen Qatar.

Guardiola oo careysan ayaa yiri: “Kalvin dhaawac ma ahan – wuxuu soo laabtay isagoo cayilan. Ma garanayo sababta. Ma uusan imaanin isagoo ku jira xaalad uu tababar ku sameyn karo kuna ciyaari karo.”

Richard Keys ayaa sheegay in Guardiola uu warbaahinta hortooda ku bahdilayo Kalvin Philips inkastoo uu u ceeb qariyay Sergio Aguero oo hadda hor isna tababarka loo diiday inuu cayilay darteed.

Wuxuu Twitter ku soo qoray: “Waxaan la yaabanahay sababta uu Pep Guardiola u kashifayo Philips oo uu ugu ceebeynayo ‘danbigaan’.

“Hal erey xitaa ma uusan oran markii uu Sergio Aguero qaladkaan mid la mid ah uu kooxda uga saaray. Waa wax qariib ah.”

Guardiola marnaba warbaahinta horteeda kama weerarin Aguero inkastoo halyeeyga Argentina uu wareysi ku sheegay markii uu ciyaaraha ka fariistay in dhowr jeer uu Guardiola ka saaray kooxda sababo la xiriira inuu cayilay ama miisaankiisa ay wax ku kordheen.

No comments

Powered by Blogger.