Goolhayaha Bayern Munich Iyo Xulka Germany Ee Manuel Neuer Oo Diyaarad Helicopter Ah Lagu Soo Badbaadiyey
Goolhayaha kooxda kubadda cagta Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Manuel Neuer ayaa nasiib ku badbaaday, kaddib markii isaga oo dhaawac ah uu tegay goob baraf fadhiyo, taas oo halis gelisay noloshiisa sidoo kalena uu kaga jabay jilibka.
Manuel Neuer ayaa markii uu xulka qarankiisa Germany wareegga koowaad ee group-yada kaga hadhay Koobka Adduunka wax uu isku dayay inuu ku ciyaaro barafka isaga oo xidhan kabo aanu socodkooda si fiican ugu baranin barafka.
Goolhayahan ruug-caddaaga ah oo kasoo kabanayay qalliin lagu sameeyey maqaarka jidhkiisa oo uu ku dhacay xanuunka kansarka, ayaa waxa barafka kasoo gaadhay dhaawac culus oo jabniin lugta ah, isaga oo ka jabay lugta.
Laacibkan oo ku dhibaataysan halka uu ku jabay oo barafka dhaxdiisa ah ayaa waxa aragtay diyaarad helicopter ah oo ka dhoweyd meesha uu ku ciyaarayay, waxaanay u fidisay gargaar degdeg ah iyadoo laga soo qaaday goobta oo la keenay cusbitaal.
Wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Jarmlka ayaa sheegay, in haddii aanay diyaaraddani soo badbaadin lahayn uu halis badan geli lahaa Manuel Neuer.

Post a Comment