Header Ads

ads header

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

 


Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Juventus oo booska labaad kaga jirtay kala sarreynta horyaalka Serie A ciqaab marin lagu sameeyay iyadoo 15 dhibcood laga jaray.

Juventus ayaa baadhitaan mudo ku socday lagu ogaaday inay qaaliyaysay xiddigo badan oo kooxdeeda ah sidaasna lacag aan sharciga ku jirin kaga samaysay iyadoo maamulkii kooxdaas min laba sano iyo badh la ganaaxay.

Go’aankaas ku dhacay Bianconeri ayaa sababay in kooxaha ugu waaweyn Yurub lala xidhiidhiyo xiddigaha ugu wanaagsan ee ay haysato Juve.

Waxa kamid ah da’yarka garabka weerar ee Federico Chiesa kaas oo lala xidhiidhinayo horyaalka Premier League haatana la qishay kooxda uu ku biiri karo.

Haatan sida uu sheegayo saxafiga weyn ee Gianluca Di Marzio, kooxda uu ka warsugayo Chiesa ee uu ku biiri karo ayaa ah Liverpool.

Di Marzio oo arrintaas ka hadlayay ayaa yidhi “Waxaan filayaa inuu ciyaaryahan kasta jeclaan lahaa inuu Jurgen Klopp u ciyaaro, waxaan rajaynayaa inay iyagu tiro ciyaartoy ah iibsadaan oo ay weeraraan suuqa xagaaga”.

“Waxay doonayaan (Liverpool) inay ciyaartoy badan oo cusub helaan oo waayo cusub sidaas ku bilawdaan, inay markale ku guuleystaan Premier League, sanadkan xilli ciyaareed wanaagsan ma qaadanayaan”.

Chiesa ayaa mudo dheer dhaawac ku maqnaa sanadkii tagay ee 2022 balse dhawaan soo laabtay una muuqda mid wali heerka ugu sarreeya ka ciyaaraya.

No comments

Powered by Blogger.