Tababaraha PSG Oo Markale Madfac Ku Tuuray Messi Iyo Neymar & Masuuliyada Kooxda Ee Uu Uga Dhaartay
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain ee Christophe Galtier ayaa ka hadlay markale kabtanada kooxdiisa iyadoo dhawaan si qaldan loo qaatay hadal uu ka yidhi Kylian Mbappe.
Dhawaan ayay ahayd markii uu Galtier sheegay inuu Mbappe yahay kabtan ku xigeenka kooxdiisa marka uu maqan yahay Marquinhos.
Warkaas ayuusan ku farxin kabtan ku xigeenkii hore loo aqoonsanaa ee Presnel Kimpembe, Mbappe ayaa dhawaan kulankii koowaad kabtanimada loo xidhay kulankii kooxda Pays de Cassel isagoo shan gool ku dhaliyay ciyaartaas.
Galtier ayaa kulanka kaddib sheegay inuu Mbappe yahay kabtankiisa marka uu Marquinhos maqan yahay oo uu go’aankaas gaadhay markii uu da’yarkaasi go’aansaday inuu kooxda sii joogo xagaagii.
Galtier ayaa sheegay in warkaas si qaldan loo qaatay ee kooxdiisu leedahay afar kabtan ku xigeen oo kala ah Mbappe, Kimpembe, Sergio Ramos iyo Marco Verratti.
“Saacadihii ugu dambeeyay waxaan akhriyay oo maqlay wax badan oo igu saabsan, sidaas darteed waxaan doonayaa inaan arrimaha caddeeyo si aan uga hortago in war been ah lasii baahiyo”.
“Mbappe miyaa ah kabtan ku xgeenka? qalad dhinaca is-gaadhsiinta ah ayaa dhacay, si qaldan ayaan u hadlay, Mbappe waa mid kamida afar kabtan oo kala ah Kylian, Ramos, Verratti iyo Kimpembe”.
“Kylian waa mid kamida kabtan ku xigeenada ee maaha kabtan ku xigeenka”
Hadalkan ayaa meesha ka saaraya wax masuuliyad ah oo kooxda laga siiyay Neymar iyo Lionel Messi oo marka horeba xidhiidhkooda kooxdu uusan fiicnayn.

Post a Comment