Taageereyaasha kubadda cagta ayaa ka sheekaysanaya wixii ka dhacay garoonka tababarka Bayern Munich oo uu tababare Thomas Tuchel kula kulmay qaar ka mid ah ciyaartoydiisa aan qaybta ka ahayn kulamada caalamiga ah.
Thomas Tuchel ayaa la arkay isaga oo dabada harraanti kaga dhufantay Leroy Sane oo tababarka qaadanaya, waxaanay jamaahiirta kubadda cagtu raadinayaan sababta keentay inuu falkan sameeyo tababaruhu.
Inkasta oo ay isku cusub yihiin oo ay tahay markii ugu horreysay ee uu Tuchel tababare u noqdo Leroy Sane, haddana waxa la rumaysan yahay in fahamka luuqadda ee ay isku waddanka kasoo jeedaan ay u fududaynayso inuu si dhakhso ah u dhax-galo ciyaartoyda oo ay kaftanka iskula fahmaan.
Tuchel iyo Sane ayaa la arkayay iyaga oo meel kalidood wada taagan oo ku sheekaysanaya xilli uu tababarku dhamaaday.
Taageere labad ayaa isaguna yidhi: ‘Laadkaasi kuma dhicin Sane.”
Mid saddexad ayaa isaguna soo qoray: “Waxa uu u tilmaamayaa Sane jihada bisha dambe. Waan ka helay.”
Si kastaba, Bayern Munich ayaa waxay halgan u geli doontaa inay soo qabato Borussia Dortmund oo hal dhibic ka horreysa, halka Champions League ay Manchester City ku ballansan yihiin wareegga siddeedda.

Post a Comment