“Waan Jeclaa Inaan Idinla Dabbaal-dego, Waase Layga Mamnuucay…” Oliver Kahn Oo Hadal Qiiro Leh Ku Sagootiyey Bayern Munich
Madaxweynihii hore ee kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Olivier Kahn oo mar dhoweyd shaqada laga eryey ayaa sheegay, in laga mamnuucay in uu kooxda u raaco Koln oo uu kula soo dabbaal-dego ciyaartii ay galabta ku qaadeen horyaalka Bundesliga.
Oliver Kahn iyo Hasan Salihamidžić ayay boodhka maamulka ee kooxdu xilka ka qaadeen maanta inkasta oo warkooda la shaaciyey isla markii ay Bayern Munich ku guuleysatay horyaalka Bundesliga fiidkii hore ee labadoodaba laga waayey garoonka.
Kahn iyo Salihamidzic ayaan loo ogolaanin inay kooxdooda kala qayb-galaan dabbaal-degga, sababtana lama ogaanin illaa hadda, hase yeeshee Oliver Kahn ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku sheegay in loo diiday inuu yimaaddo garoonka.
“Qorshahaygu waxa uu ahaa in aan imaaddo Koln oo dabcan aan ciyaartoyda ula dabbaal-dego guuseha horyaalka, laakiin waa la iga mamnuucay.” Ayuu Oliver Kahn ku yidhi qoraalkiisa.
Kahn oo muddo dheer ahaa kabtanka Bayern Munich iyo goolhayaha ugu wanaagsan adduunyada, ayaa waxa bilihii ugu dambeeyey loo jeedinayay canaan badan, waxaana mar la gaadhsiiyey heer la sheego in uu go’aansaday in uu is-casilo.
Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ayaa uu nasiibku caawiyey kulankii ugu dambeeyey xilli ciyaareedka, waxaana laga badiyey Borussia Dortmund oo laba dhibcood ka horreysay oo taageereyaasheedu ay usoo diyaar-garoobeen sidii ay horyaalka ku guuleysteen, waxaana la degtay Mainz oo barbarro 2-2 ah ku qabatay.

Post a Comment