Header Ads

ads header

“Ma Tartami Karno Haddii….” – Xavi Oo Shuruud Cadaan Ah Ku Xidhay In Barcelona Kooxaha Kale La Tartanto Sanadka Dambe

Tababaraha kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa sheegay hal shuruud oo kooxdiisa ka xigta inay markale koobab u tartanto xilli ciyaareedka dambe.

Shuruudaas muhiimka ah ayuu Xavi ku sheegay in kooxdu hesho bedelka kabtankeeda udub-dhaxaadka u ahaa ee Sergio Busquets oo maanta kulankiisii ugu dambeeyay ee Camp Nou ciyaaraya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Xavi sheegay in helista bedelka Busquets muhiimadooda koowaad ee suuqa sanadkan tahay, markale ayuu haatan farriin u diray madaxweyne Joan Laporta.

Xavi oo warbaahinta la hadlayay shirka jaraa’id ee ka horreeya kulankooda Mallorca ayaa sheegay inay ku dhibtoon doonto kooxdiisu inay tartan gasho haddii aysan bedelka ugu haboon u helin Sergio.

“Waa inaanu helno nuqulkaas haddii aanu doonayno inaanu tartano, waa inaanu helno nuqulkaas, waa furaha tartamista xilli ciyaareedka dambe” ayuu yidhi Busquets.

No comments

Powered by Blogger.