Header Ads

ads header

DEG-DEG: Xiddig PSG Ah Oo Nolol & Geeri U Dhaxeeya Oo Helicopter Loogula Cararay Cusbitaalka

 Xiddig ka tirsan kooxeda kubadda cagta PSG  ayaa lagu soo warramayaa in uu ku jiro xaalad halis ah oo loola cararay cusbtaalka, kaddib markii uu shil xun ku dhacay isaga oo ku sugan waddanka Spain oo uu ku qaadanayay tamashle.

Warbaahinta Faransiiska ayaa sheegtay, in goolhaye Sergio Rico uu ku jiro xaalad xalis ah oo walwal leh oo hadda lagula tacaalayo cusbitaal ku yaalla waddanka Spain, kaddib markii uu ka dhacay faras uu ku galay baratan.

29 jirkan ayaa subaxnimadii sabtidii waxa uu ka dhacay faras uu ku baratamayay, waxaana la sheegay in uu soo gaadhay dhaawac culus oo geeri iyo nolol uu u dhexeeyo.

Shilkan oo Sabtidii ka dhacay El Rocio oo ku taalla magaalada Huelva oo fardaha lagu tartamo, ayaa waxa Rico dhaawaciisa lagu qaaday diyaarad Helicopter ah oo geystay cusbitaalka, waxaana halista dhaawaciisa darteed loosii gudbiyey magaalada Seville oo la dhigay cusbitaalka Virgen del Rocio.

Xubnaha qoyska iyo kooxdiisa PSG midkoodna illaa hadda wax war ah kama soo saarin xaaladda uu ku sugan yahay goolhaye Rico oo sannadkii 2020 ay PSG kaga soo iibsatay Sevilla lacag gaadhaysa £5.2 milyan oo Gini, isaga oo soo afjaray waayihiisa Sevilla oo uu ka tirsanaa illaa markii ay da’diisu ahayd 14 jir.

PSG ayaa uu u saftay 24 ciyaarorod oo dhamaan tartamada ah, lakiin xilli ciyaareedkan dhamadka ah ayaanu hal kulanna u safanin iyadoo aanu qayb ka ahayn kulankii ay xalay barbarraha 1-1 la galeen Strasbourg ee ay ku qaadeen horyaalka Ligue 1, taas oo uu ku sugnaa cusbitaal xaaladdiisa lagula tacaalayay.

No comments

Powered by Blogger.