Header Ads

ads header

Xiddigii Dhax Seexday Baska, Ciyaartoydii Diiday Tababarka Iyo Qalalaasaha Qalinka U Rogay Chelsea Oo Faahfaahin Laga Helay

Chelsea waxa uu xilli-ciyaareedkani ugu soo dhamaaday iyada oo la garan la’yahay waxa ku dhacay, isla markaana saddex tababare iska beddaleen. Waxay ku bilowdeen Thomas Tuchel, waxa xigay Graham Potter iyo hadda oo Frank Lampard ay u tahay ciyaartiisii ugu dambaysay.

Todd Boehly ayaa lacag ka badan 600 milyan oo uu ciyaartooyo ku kharash gareeyey labadii suuq ee ugu dambeeyey, waxa uu kaliya ka qaaday madax-xanuun iyo khasaare iyadoo kooxduna ku jirta kaalinta 12aad ee  horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay waqti dheer.

Mushkiladda ka dhax jirta Chelsea waxa xalkoodu uu u yaallaa tababaraha cusub ee la wareegi doona oo ah Maurcio Pochettino oo saxeexay heshiis saddex sannadood ah, waxaanay su’aashu tahay sida uu dib ugu soo celin karo heerkii ay kooxdani joogtay.

Wargeyska The Telegraph ayaa soo bandhigay qaybo ka mid ah dhibaatooyinkii Chelsea ka dhax-jiray iyo xataa sidii ay ciyaartoydu u dhaqmayeen oo ka baxsanayd heerka xirfadleyaasha.

Ugu Yaran hal ciyaartoy ayaa la sheegay in uu ka habsaamay baska kooxda oo aanu u raacin garoonka markii uu seexday tababarka kaddib, waana arrin aan hore looga arag kooxaha kubdda cagta iyo dhacdo ugub ah.

Waxa kale oo kooxda u sheegay inay iskaga tegayaan xagaagan ugu yaraan lix ciyaartoy oo waaweyn, waxaana la sheegayaa in ay tiradu kasii badan karto.

Tababarka ayaa sidoo kale ay iska diideen ciyaartoyda qaarkood, waxaanay si aanay is-dhibayn iskga dhax socdeen garoonka tababarka iyagoo aan raacaynn tilmaamaha tababareyaasha.

Arrinta kale ee layaabka leh ee dhacday ayaa waxay ahayd in ciyaartoyda qaarkood ay dhulka fadhiistaan marka lagu jiro shirka kooxda iyadoo ay kuraastoodu bannaan tahay, taas oo ay sii dheer tahay in waqtiga baska u qaadaya garoonka ay ka daahaan oo ay kooxdu dib u dhacdo.

The Telegraph waxa uu sheegay, in Frank Lampard uu ciyaartoy walba gaarkisa ula hadlay oo uu ka dalbaday in ay noqdaan xirfadleyaal ilaaliya qawaaniinta, laakiin aanay ciyaartoydu dheg u dhigin oo aanay waxba ka  beddelin hab-dhaqankooda.

No comments

Powered by Blogger.