Header Ads

ads header

Waa Maxay Qoddobka Sababi Kara In Luka Modric Iskaga Dhaqaajiyo Real Madrid?

 Khabiirka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa la filayaa inuu go’aan kama dambays ah ka gaadho mustaqbalkiisa kooxda toddobaadyada soo socda.

Real Madrid ayaa wada xallinta mustaqbalka xiddigaha kooxdeeda ee heshiisyadoodu xagaaga ku eeg yihiin waxayna meel saartay Toni Kroos iyo kabtan Karim Benzema oo la filayo inay min hal sano oo kale kordhiyaan.

Heshiiska Luka ayaa sidoo kale xagaaga ku eeg, labada dhinacba waxay doonayaan inay ka wada hadlaan heshiis kordhin 12 bilood oo kale ah.

37 jirkaas ayaa muhiim ka ah shaxda tababare Carlo Ancelotti isagoo wali boos joogto ah ka haysta khadka dhexe ee Bernabeu.

Si kastaba, wadahadalka heshiis kordhintiisa ayaa hakaday walow uu Luka hore u sheegay rabitaankiisa ah inuu sii joogo Los Blancos.

Modric ayaa diiday soo jeedinta Real Madrid ee ah inuu ka fadhiisto kubadda cagta heer caalami iyo xulkiisa Croatia haddii uu doonayo inuu heshiis kordhin sameeyo.

Modric ayaa qorshaynaya inuu Croatia hoggaamin doono Euro 2024 iyadoo uu ku tashanayo tababarihiisa Zlatko Dalic.

Sida uu sheegayo wargeyska Diario AS, qoddobka ah inuu ka fadhiisto kubadda cagta caalamiga ah ayaa muhiim u ah Modric iyo heshiis kordhintiisa Bernabeu.

No comments

Powered by Blogger.